Warar ayne ka helney xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa sheegaya in halkaasi uu xaley ka dhacay qarax xoogan kaasi oo qasaaro geystay.
Warar ayaa sheegaya in qaraxyada ay ahaayeen labo kuwasi oo ka dhacay Section Three ee magaalada Nairobi, iyadoo warar aan helayno ay sheegayaan in goobta qaraxa uu ka dhacay ay ku dhowdahay garoonka diyaaradaha ciidamada Kenya.
Lama oga ilaa iyo hada qasaaraha dhabta ah ee uu geystey qaraxaas, waxana wararka qaar ay sheegayaan in seddex ruux ay waxyeelo soo gaartay.
Waxaa gabi ahaanba la xiray goobta qaraxa uu ka dhacay waxaana soo gaaray ciidamo badan oo ka tirsan Dowlada Kenyasi ay u sugaan amaanka.
Daafeet.Com.