Waxaa maanta magalada muqdisho lagu qabtey xaflad lagu dhaarinaayo wasiirada cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya taasoo ey dhacdey xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya Caydiid Ilka-Xanaf ayaa dhaariyay wasiirrada, iyadoo ay dhaarinta ka maqneyd wasiirka arrimaha dibadda oo dalka dibaddiisa shaqo ugu maqan.
Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon ayaa madasha ka sheegay in ay xukuumaddiisa dalka ka samata bixin doonto dhibaatooyinka uu ku jiro, isagoo xubnaha baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la shaqeeyaan.
Xafflada dhaarintan ayaa waxaa lagu dhaariyey 9 wasirrka waxaana madasha dhaarinta ka maqnaa wasiirka arimaha dibada ee xukuumada cusub.
Daafeet.Com