Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose, C/qaadir Maxamed Siidii ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay isbitaalladii ugu dambeeyay ka fureen deegaannada Leego iyo Shalaanbood, kuwaasoo lagu daweeyo dad xanuunsan.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa tan iyo horraantii sandkan kala wareegay Al-shabaab deegaanno fara badan oo ku yaalla gobolka Shabeellada hoose, kuwaasoo ay ku jirto degmada Marko.
Ciidamada AMISOM ayaa horay uga furay Muqdisho isbitaallo lagu daweeyo dadka xanuunsan, inkastoo ay xireen markii Al-shabaab ay isaga baxday Muqdsho, iyagoo aan xilli u qaban isbitaallada ay hadda ka fureen gobolka Shabeellada Hoose.
Dadka ku dhaqan deegaanada shabeelaha hoose iyo gobolada ku dhow dhow ayaa inta badan heysan wax isbitaal ah ayagoo mar marka qaarkii usoo safra magalada muqdisho si ey uga helaan gar gaar caafimaad.
Daafeet.Com