Madaxweynihii hore ee dowladdii FKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo qoysaskiisa ayaa maalintii shalay gebi ahaanba isaga guuray magaalada Muqdisho.
Shariif Sheekh iyo qoysaskiisa ayaa waxaa degenaasho laga siiyay dalka Uganda, waxaana shalay halkaas ku soo dhaweeyay madaxweyne Musaveni oo geeyay qasrigii uu u diyaariyay.
Shariif Sheekh Axmed ayaa tan iyo markii looga guuleystay doorashadii madaxweynenimada Soomaaliya ee ka dhacday Muqdisho isaga iyo qoysaskiisa oo labo ah waxay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho, inkastoo la sheegay inay dowladda Turkiga ay deggenaasho siisay, balse uu ka doorbiday dalka Uganda.
Shariif Sheekh Axmed waxa uu xilka madaxweynenimo ku wareejiyay Prof. Xasan Sheekh Maxamuud 10-kii bishii September ee sanadkan, kaddib markii doorashada looga adkaaday.
Daafeet.Com