Maleeshiyada al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay ka baxday deegaannada Ceel-garas iyo Ceel-dheere ee gobolka Galgaduud.
Maleeshiyada ayaa waxey kaloo xooggeedii ciidan kala bexeen degmada Ceelbuur, waxaana wararka eynu halkaasi ka helney sheegayaan in tiro yar oo maleeshiyaad ay halkaasi ku hareen.
Lama oga sababta keentay ka bixitaanka al-Shabaab ee deegaannadaas, in kastoo ay jirto hadal-hayn ah in ciidamada iskaashana ee gobolka Hiiraan ay qorshaynayaan inay duullaan ku qaadaan degmada Buula-burte.
Si kastaba arintu ha ahaatee maleeshiyaadkan ayaa la sheegey in ey jir dil u geystaan dadka ey kaga tuhmaan in uu la jiro dowlada iyo gacansatadiii bixin weysa lacagta baada ah ee ay ka qaadaan dadka.
Daafeet.Com