Warar aynu ka helney Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kusii socdan Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalkaasi.
Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay jowhar kusii durgayaan.
Sidoo kale wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Dowladdda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay difaacyo ka sameesteen deegaanka Garsaale.
Magaalada Jowhar ayaa waxaa hada gacanta ku haya maamulka Ururka Al-Shabaab kuwaasi oo ilaa iyo hada aan ka hadlin dhaqdhaqaaqa ciidan oo ay wadaan ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM.
Daafeet.Com