masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federalka oo darees ciidan u qeybiyey ciidamo ku sugan magalada Baydhaba

0
48

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta hub iyo labbis ciidan u qeybiyay ciidamo loogu talagalay in ay sugaan ammaanka xaafadaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Guddoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Macallin Axmed (Biikole) ayaa warbaahinta u sheegay in xaafad kasta loogu tala galay inay ammaankeeda sugaan 25 askari oo hoos tagaya maamulka dowladda Soomaliya ee gobolka Baay.

Guddoomiyaha ayaa xusay in ay tallaabadaas qeyb ka tahay xaqiijinta ammaanka magaalada iyo in laga hor tago maleeshiyada Al-Shabaab inay ku dhex dhuuntaan xaafadaha.

Ciidamadan ayaa ah ciidamo dhawaan tababar loogu soo gabagabeeyey magaalada beydhabo ayagoo loogu tala galey in sugaan amaanta gobolka bay iyo meelaha ku dhow dhow si ey usoo celiyaan nidaamka iyo kaley dembeynta magaalda.

 

 

Daafeet.Com