Maxkamadda gobolka Togdheer ayaa labo nin oo qamri lagu soo qabtay ku ridday xukunno isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed.
Labada nin ayaa ciidamada booliska ee magaalada Burco waxay ku soo qabteen qamri tiradiisa lagu sheegay 460 litar oo ku jiray jiirigaanno iyo caagadaha biyaha.
Maxkamadda ayaa amar ku bixisay in la gubo qamriga, waxaana Mukhtaar Maxamuud Maxamed oo ay maxkamaddu ku heshay heysasho mukaadaraad, waxayna ku xukuntay saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan afar milyan oo shilinka Somaliland ah.
Sidoo kale Maxamed Maxamuud Maxamed waxay maxkamaddu ku heshay dembiga ah isticmaal qamri, waxayna ku xukuntay labo sano oo xabsi ah, 40 jeedal oo karbaash ah iyo ganaax lacageed oo dhan labo milyan oo shilinka Somaliland ah.
Daafeet.Com