Iska horimaad u dhexeeyea ciidamada dowladda federaalka iyo maleeshiyada al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay meel duleedka kaga began degmada Xuddur ee gobolka Bakool.
Wararka ayaa sheegaya in iska hor-imaadka uu dhashay kaddib markii al-Shabaab ay weerartay fariisimo ay ciidanka dowladda ku leeyihiin Xuddur.
Guddoomiyaha maamulka degmada Xuddur Maxamed Macallin Axmed ayaa guul ka sheegtay dagaalka, wuxuuna xusay in ciidamadooda ay dileen sideed ka tirsan kooxdii soo weerartay, kuna jabiyeen dagaalka.
Iska horimaadyadan ayaa ah kuwo mar walba ka dhaca deegaanka tan iyo kolkii alshabab looga awood roonaadey deegaano badan oo ku dhow dhow degmada xudur.
Daafeet.Com