Sida in badan oo ka mid ah dadka u dhuun daloola siyaasadaha beelaha Soomaaliyeed ay qirayaan ayaa waxaa marag ma doonto ah in burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ay fududeeysay in duulaan gaaban lagu qaado dad iyo dhulkooda iyadoo loo maraayo wadada ismaquuninta awooda ku dhisan taasina waxay keentay in qaybo ka mid ah dhulalkii lagu soo duulay ay maanta gacanta ku hayaan kooxihii soo duulay waxaana markhaati inoogu filan maanta dhulweynaha Digil oo inta badan ay maamulaan beelo ku soo duulay dhulka isla mar ahaana aan u dhalan marka laga reebo degmada Diinsoor oo ay degaan beesha Dabare.
Hadaba waa su’aale yaa ka masuul ah in kooxaha duulaanka ay 21 sano ka dib ay dhulka sii joogaan?
Inta aynaan jawaab u doonin su’aashan bal akhristoow ila arag dhibaatooyinka jira oo ay ugu horeeyaan Hogaan la’aan,Midnimo la’aan iyo Dulaalnimo oo ummaddii intaas isu raacda waxay qabtaan daayoo mugdi galayo jiritaankooda
Waa dhab oo waa gar aan lahayn geed looga waabto in hogaamiya-yaasha dhaqanka beelaha Digil guud ahaan ay gabeen kaalintoodii hogaamineed halka ayba iska ilaaween midnimo iyadoona ay u dheer tahay inay dulaal u noqdaan beelaha ku soo duulay dalka iyo dadka Digil.
Inkasta oo dhibaatadan ku habsatay dalka iyo shacabka Digil ayan la bilaaban dagaalka sokeeya ayaa waxaa hadan iska cad in beelaha Digil hogaankooda dhaqameed iyo siyaasadeed aanay marnaba ka gaashaaman dhib la arki karay inay ku soo socotay shacabkan ka hor burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.
Kaalintan ay dayaceen hogaanka dhaqanka iyo kan siyaasadeed ee beelaha Digil waxay sahashay in si fudud dhulkooda ay ku qabsadaan kooxo duulaan kaga yimid gobolada dhexe ee Soomaaliya bilowgii dagaalka sokeeye sanadkii 1991 ilaa iyo maantana ay marba magac iyo shaar cusub ay u soo xirtaan dhibaataynta shacabkla Digil ilaa ay gaareen in qaarkooda ay dhulka ku soo galaan inay yihiin Qaxooti si ay u deegaamaystaan dhulka Digil sida Qaxootiga loo degmeeyay xaruntii Aqoonta iyo Kuliyadii waxbarasha ee Lafoole.
Hadaba ma waanay ahayn Dulaalnimo waxay meesha u fadhiyaan kuwa sheeganaaya Wasiirnimo,Xildhibaanimo amaba xil dowladeed oo kasoo jeeda beelaha Digileed halka waxgaradkii fara tiriska noqdayna ayba jahwareer ka qaadeen siyaasada fashilka iyo fool xumada ku fool dhaqatay ee maanta Soomaaliya taal laguna soo koobay “keyga lihi kaagana kula lihi”.
Waa dhab in kuwa dhaliisha lihi la dhaliilo inta Amaanta mutaysatana lagu Amaano wax qabadkooda taana waxaa iiga dhigan sidaan horayba carabka ugu soo dhuftay beesha Dabare oo runtii ku Amaanan doorkeeda shariifka ahaa ee ay ku difaacday qaybtii kaga aadanayd difaaca dhulweynaha Digileed halka Beelaha Geledi, Begedi, Shanta Caleemood, Tuni iyo jiidana ayba hogaan ka dhigteen kooxaha duulaanka iyadoo Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Beesha Garena ay hogaanka beelaha Digil ay dulaalnimo kula dhex wareegayaan iyagoo weliba xirta hadba shaarka ay doonayaan.
Gunta iyo gabagabada hadalkeyga waxaan kusoo koobayaa oraahda Soomaaliyeed ee leh “Hadii Daawo bukooto maxaa lagu daweyn” oo waa yaabe hadii Hogaan bukoodo maxaa lagu dawayn oo bulsho hogaankeedii Dhaqanka noqday caada qaate,Siyaasiyiintoodii noqdeen Maacuun looga adeegto dhulkooda,Waxgaradkoodii noqdeen kuwo Jahwareer ka qaday xaalka ummaddooda iyo ugu danbayn indheer-garadkoodiina Dulaal noqday,Ma waanu xaalkooda la mid ahayn Daawadii bukootee daawada loo doonay?!
Yasin Abicar
Daafeet.Com