Guddoomiyaha gobolka Baay Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey oo xalay la hadlay warbaahinta ayaa ka codsaday dowladda federalka Soomaaliya inay ka taageerto maamulkiisa dhinaca dhaqaalaha, isagoo sheegay inaaney haysan dhaqaale ku filan oo lagu bixiyo mushaarka qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka.
Wuxuu sheegay si loo suurta geliyo in ciidanka ammaanka ay sii wadaan howlaha sugidda ammaanka iyo ballaarinta maamulka, inay u baahan yihiin in lagu taageero dhaqaale deg-deg ah.
Wuxuu intaas ku daray in dhaqaalaha soo gala ay u adeegsadaan adkaynta ammaanka degmooyinka Baydhabo, Qansaxdheere iyo Bardaale, oo uu tilmaamay inuu ka wanaagsanaanayo siduu ahaa dhowr bil ka hor.
Geesey wuxuu sidoo kale ka codsaday dowladda sidii ay maamulka uga taageeri lahayd qalabeynta in ka badan 1000 askari, kuwaasoo uu sheegay inay u baahan yihiin qalab ciidan iyo dhaqaale ay ku maareeyaan nolol maalmeedkooda.
Daafeet.Com