Gudoomiyaha Warta Nabada oo ka hadashey cabasho kasoo yeertey Shacabka degmada

0
499

Shacabka ku dhaqan degmada Warta Nabada ayaa waxaa ey cabasho ka muujiyeen roondooyin xilliyada qaar ay sameeyaan ciidamada Dowladda ayeey sheegeen inay kala kulmaan dhibaatooyin kala duwan.

Deeqo C/qaadir oo ah Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda oo ka hadashey arintaas ayaa sheegtey in ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Degmadaasi ay sameeyaan roondooyin taasina ay dani ugu jirto shacabka Degmadaasi.

Ujeedada roondooyinka ayeey ku sheegtay mid ciidamada ammaanka ay ku xaqiijiyinayaan Degmada islamarkaana ay soo qab qabanayaan ciidanka dhibaatada ka wada halkaasi taasina ay tahay arin shacabka loogu faa’iideynayo.

Si loo xaqiijiyo guud ahaan ammaanka Degmada Warta Nabadda ayeey ka dalbatay shacabka Degmadaasi inay ciidanka Dowladda kusoo wargeliyaan waxyaabaha dhanka ammaanka qal qalgelinaya ee ay ku arkaan Degmadaasi.