Howgalo laga sameeyey magaladada Beledweyne oo lagu soo qabqabtey dhalinyaro fara badan

0
54

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa xalay howlgal ay ka sameyeen Magaaladaasi waxa ay kusoo qab qabteen dhalinyaro lala xiriirinayo Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada Booliiska Magaalada Beladweyne Cali Dhuux Mahad Alle ayaa sheegay in dhalinyaradaasi laga soo qabtay Bar-control oo ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin duleedka Beladweyne.

Wuxuu sheegay in xilliga lasoo qabanaye dhalinyaradani ay la socdeen gaari xamuul ah sida uu sheegay islamarkaana ciidamada Dowladda ay aad uga shakiyeen dabadeedna lageeyay saldhig ciidan.

Taliyaha ayaa sheegay in tirada dhalinyaradaasi ay gaarayaan ku dhawaad 20-dhalinyaro ah islamarkaana lala xiriirinayo inay raad ku leeyihiin Al-Shabaab.

 

Daafeet.Com