Maamulka Degmada Qansax dheere oo ey isku soo dhiibeen qaar ka tirsan Alshabab

0
55

Maamulka Dagmada Qansax Dheere ee Gobolka Baay ayaa soo bandhigeyn rag horay uga tirsanaan jiray Al-Shabaab kuwaas oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee halkaasi ku sugan.

Gudoomiyaha Dagmada Qansax dheere ee Dowlada Soomaaliya Aadan Cabdi Khooqane ayaa  sheegey in rag ka tirsanaa Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen, haatanna ay la joogaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ku sugan halkaasi.

Ragaan isasoo dhiibay ee ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa waxa ay tiradooda gaareysaa ilaa sadex dhalinyaraa kuwaas oo haatan ay gacanta ku hayaan Ciidamada Maamulka Dagmada Qansax dheere ee Dowlada Soomaaliya.

Sadexda ruux ee maanta isku soodhiibay Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ka tirsanaan jiray Al-Shabaab ayaa waxa uu Gudoomiyaha ku sheegay Magac yadooda

1- Aadan Maxamed Aadan,

2- Maxamed Yuusuf Maxamed,

3- Cabdi Cusmaan Cabdul laahi

Kuuwaas oo uu sheegay in ay ka dagaalami jireyn degaano hoostaga Qansax dheere iyo Gobolka Gado sida uu sheegay Gudoomiyaha.

Daafeet.Com