Maleeshiyaadka Alshabaab ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo loo fidiyey cafis hadey isa soo dhiibaan

0
128

Masuuliyiinta Maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa ugu baaqay dagaalyahanada Al-Shabaab ee Gobalkaasi inay isku soo dhiibaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Guddoomiye ku xigeenka G/Shabeelaha Dhexe Yuusuf Cabdi Cilmi oo la hadley idaacadaha magalada muqdisho ayaa sheegay inuu baaq ujeedinayo dhalinyarada ku jira Al-Shabaab ee Dowladda kasoo horjeeda.

Wuxuu sheegay in horay ay isku soo dhiibeen dagaalyahano badan oo Shabaab ah kuwaasi oo tiro ahaan gaaraya ilaa 240,islamarkaana sida uu sheegay kuwaasi aysan waxba ka duwaneyn kuwa iminka jooga Gobalkaasi ee weli Shabaab kujira.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay Gobalka Shabeelaha Dhexe ka wadeen dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog leh kaasi oo ku aadan Degmada Jowhar ee xarunta Gobalkaasi.

Daafeet.Com