Wasiirka Arimaha Gudaha oo kulan la qaatey Gudoomiyeyaasha degmoyinka Gobolka Banaadir

0
67

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo ay kulanka sidoo kale ka soo qeybgaleen taliyeyaasha ciidamada booliska ee degmooyinka gobolka iyo agaasimaha hay’adda nabad-sugidda qaranka.

Kulanka ayaa looga hadlayay sidii ay wasaaradda iyo madaxda maamullada degmooyinka u yeelan lahaayeen iskaashi iyo la xiriirta ammaanka gobolka.

Wasiirka oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in qof kasta uu xil ka saaran yahay nabadgelyada magaalada Muqdisho, isagoo xusay in uu qorshahoodu yahay in amniga laga sii horumariyo sida uu hadda yahay.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa iyaguna ballan-qaaday in ay wasaaradda kala shaqeynayaan ammaanka iyo soo celinta adeegyada bulshada.

Kulankan ayaa noqonaya kulankii ugu horreeyey oo ay yeeshaan wasiirka arrimaha gudaha iyo madaxda degmooyinka gobolka Banaadir tan iyo markii uu xilka la wareegay maalmo ka hor.

Daafeet.Com