Xubnaha guddiga farsamada ee milateriga oo ka shirey arimaha milateriga

0
48

Xubnaha guddiga farsamada ee militariga Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho uga hadlay arrimo badan.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud (Fiqi) oo kulanka ka qeybgalay ayaa sheegay in looga hadlay sidii ay mushaar joogto ah u heli lahaayeen ciidamada dowladda, ururinta iyo isku dubbaridka xogta ciidamada sida diiwaangelinta.

Wuxuu kaloo xusay in kulanka la iskula soo qaaday waxyaabaha muhiimka ah ee ay wasaaradda gaashaandhigga u baahan tahay si ay ula jaanqaaddo isbeddelka dalka ka dhacay iyo tayeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Ka qeybgalayaasha kulanka oo bille ah ayaa isla qiray in guulaha ay bilihii u dambeeyay gaareen ciidanka dowladda, iyadoo la isku afgartay in la sii dardargeliyo howlgalladaas.

Daafeet.Com