Askari ka tirsanaa maleeshiyaadka Alshabab oo lagu magacaabi jirey Cabdinuur Gacmoole Gardhuub ayaa shaley gelinkii dambe lagu soo bandhigay meydkiisa magaalada Muqdisho, kaddib markii lagu dilay howlgal ay sameeyeen ciidanka nabad-sugidda qaranka ee Soomaaliya.
Khaliif Axmed Ereg oo ah taliyaha ciidanka nabad-sugidda ee gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay in horjoogaha ay dileen ciidamada nabad-sugidda, kaddib markii uu isku dayay in uu la dagaallamo iyagoo howlgallo wada.
Taliyaha ayaa tilmaamay in ay sidoo kale gacanta ku soo dhigeen dhowr maleeshiyo oo daacad u ahaa horjoogaha ay toogteen iyo hub ay wateen oo isugu jira qoryaha darandooriga u dhaca, baasuukayaal, bistoolado iyo bambooyinka gacanta laga tuuro.
Si kastaba arintu ha ahaatee howlgaladan lagu sifeynayo Alshabab ayaa waxaa ey ka socdaan dhamaan degmooyinka magalada muqdisho ayagoo maalin walba qaarna la dilo waarna lasoo qab qabto ayagoo nool.
Daafeet.Com.