Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in halkaasi lagugula beegsadey qarax xoogan oo geestay khasaaro kala duwan.
Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha kasoo gaaray ciidamada Dowladda qaraxaasi ayaa hadana wararku waxa ay sheegayaan inuu jiro khasaaro soo gaaray ciidamada Raskambooni.
Qaraxan ayaa waxaa uu ka dhacay meel aan sidaasi uga fogey xarunta Degmada Kismaayo halkaasi oo ey ku sugnaayeen ciidamada Raskambooni.
Ciidamada ayaa lasoo sheegayaa inay rideen rasaas xoogan taasi oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Aagagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay ayeey xireen ciidamada Raskambooni kuwaasi oo Baaritaano halkaasi ka wada.
Daafeet.Com