Raysul wasaare ku-xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta kulan isbarasho ah la qaadatay shaqaalaha wasaaradda iyo safiirrada Soomaaliya u fadhiya qaar ka tirsan dalalka caalamka.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasiirka ayaa lagu sheegay inay Marwo Fowsiya la-tashiyo la sameyn doonto agaasimaha guud ee wasaaradda, agaasimeyaasha waaxyaha iyo guddi diblumaasiyiin ah oo Soomaali ah, iyadoo u howlgeli doonta diyaarinta qaab la isugu dheellitiri karo shaqooyinka wasaaradda iyo safaaradaha.
Wasaaradda arrimaha dibadda oo ah wasaaradda xukuumadda u xilsaaran gudbinta iyo sharxidda siyaasadda dibadda, dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee Soomaaliya ayaa waxa ay isku howleysaa soo celinta sharafka dowladnimo ee Soomaaliya, si loo helo aragti wanaagsan oo Soomaaliya ay la wadaagto caalamka intiisa kale.
Kulankan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyey oo ey yeeshaan shaqaalaha wasaarada arimaha diba iyo wasiirka wasaarada arimaha dibada taasoo la filaayo in ay wax ka bedelaan qaabka ey u shaqeyso wasaarada arimaha dibada
Daafeet.Com