Wasiirka Wasarada Gaashaandhiga oo sheegey ineysan la dagaalami karinm Alshabab hadan laga qaadin cuno qabateynta Hubka

0
165

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in cunno-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay caqabad ku tahay horumar laga gaaro dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Mudane Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumaddu aysan lahayn awood ay kula dagaalanto Al-shabaab, isagoo sheegay inay Qaramada Midoobay ka dalbanayaan in cunno-qabteynta hubka laga qaado Soomaaliya si ay u suuro-gasho in dalka oo dhan laga saaro kooxda ay dagaalka kula jiraan.

Wasiirka gaashanaadhiggu wuxuu sheegay inaan xal loo heli karin dhibaatooyinka ka taagan gudaha Soomaaliya haddii aan cunno-qabteynta hubka la qaadin. “Waxaanu doonaynaa inaan ka hortagno qorshaha kooxaha argagaxisada ah ay ku doonayaan inay dalkan uga dhigtaan saldhig.”

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inay doonayaan inay xoojiyaan ciidamada qalabka sida ee dowladda si ay awood ugu helaan inay iska difaacaan weerarrada kaga imaanaya Al-shabaab oo gacansaar dhow la leh Al-Qaacida.

Daafeet.Com