Dagaal leysku jilbo dhigay dad badanna ku dhinteen uu shalay ka dhacay deegaan lagu magacaabo Mareer ee gobollka Galguduud ayaa waxaa arintaa ka hadasha wasarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya.
Wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha C/kariin Xusseen Guulleed ayaa sheegay in ay u dirrayaan goobaha dagaalladu ka socdaan guddi dhax dhaxaadin ah oo qeyb ka qaata dadaallada la doonayo colaada lagu joojiyo.
‘’Runtii waa dagaal naxdin leh oo siweyn looga xumaado, waxaa wax laga xumaado khasaaraha ka dhashay dagaallka, wasaarrada arrimaha gudaha gacan ayeey ka geysan doontaa sidii loo joojin lahaa dagaalllka dhiiga badan ku daadanaya ee halkaa ka socda ayuu yiri,’’ wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu socdo wada tashi ay wasaarradu la leedahay xildhibaannada ka soo jeeda labada maleeshiyo beelleed ee dirirtu u dhaxeyso kuwaasoo sida la sheegay isku heysta ceelal iyo dhul daaqsimeed.
Dagaallkii shalay ka dhacay deegaannka Mareer ee gobollka Galguduud oo soo gaaray fiidnimadii xalayaa sababay dhimashada in ka badan 10 ruux iyo dhaawaca 20 kale oo ka wada tirsan dhinacyadii uu dagaallku dhaxmaray.
Daafeet.com