Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa cambaareeyay qaraxii xalay ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo uu ku dhaawamay xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya.
Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in dadka Alle baryaya la weeraro, isagoo muujiyay sida uu uga xun yahay weerarkaas oo aanay jirin cid sheegatay mas’uuliyaddiisa.
Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray inay gacan ka siinayaan sidii ammaanka loo adkeyn lahaa, isagoo ugu baaqay labada shacab inay iska kaashadaan sidii ay ku sugi lahaayeen amaanka magaalada Nairobi iyo magaaloooyinka kale ee ay inta badan ka dhacaan weerarrada noocan oo kale ah.
Sidoo kale; madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in sababaha dhibaatooyinka u gaarayaan dalka Kenya ay tahay sidee u caawin kartaa Soomaaliya, isagoo xusay in xildhibaan Yuusuf Xasan uu ahaa mudane aad u jecel Soomaalida, wuxuuna muujiyay sida uu uga xun yahay dhaawaca gaaray.
Daafeet.Com