Waxaa maanta Degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ka billowday olole Nadaafadeed oo dib loogu soo celinayo bilicda magaadalada.
Dadka Magaalada Xudur oo iskooda isku xilqaamay ayaa lagu soo waramayaa inay bilaaween Olole Nadaafadeed oo lagu soo celinayo Bilicdii hore ee Degmadaas.
Wakiilka shabakadaha Daafeet iyo Ishabaydhaba ee Gobolka Bakool Deerow oo ka mid ah dadka Ololaha wax ka soo abaabulay ayaa Sheegay in ay muhiim tahay in dib loo soo celiyo bilicdii magaalada Xudur.
Ololaha Nadaafadeed ayuu Wariye Deerow sheegay in laga fulin doono Dhamaan Xaafadaha Degmada Xudur.
Deerow ayaa Marlabaad ugu Baaqay Qurbajoogta Dibadaha inay il gaar ah kusoo eegaan oo ay ka qeybqaataan soo celinta Bilicda Magaalada Xudur oo muddo sanooyin ah markii ugu horreysay laga Bilaaway Howlo Nadaafadeed.