Dagaal geystay waxyeelo kooban ayaa degaanka Kuunya Barrow ku dhexmaray Maleeshiyada Al-shabaab iyo dadka deegaanka.
Iska hor’imaad u dhaxeeyay maleeshyaadka Shabaab iyo dadka deegaanka ayaa dhacay kadib markii maleeshiyaadka Shabaab ay isku dayeen in ay soo farageliyaan qoysas xoola dhaqato ah oo ku muransanaa War biyaha laga cabo oo ku taala duleedka Kuunya Barroow.
Maleeshiyaadka Shabaab ay rasaas ku furey dadkii xoola dhaqatada ahaa ee u fadhiyay xalinta muranka dhexdooda ahaa kadibna dadku waxa ay bilaabeen in ay iska caabiyaan.
Si kastaba arintu ha ahaatee dagaaladan ayaa ah kuwo kuwo beryahan kusoo badanaya koofurta somaliya ayadoo ey sii wiiqeyso awoodii ey laheyd alshabab dadkana eysan uga baqin sidii kolkii hore oo kale.
Xaalad cabsi ah ayaalaga dareemayaa deegaankaasi, iyadoo qoysaska xooladhaqatada ahna ay ka cabsi qabaan in weerar kale ay ku soo qaadaan maleeshiyaadka Shabaab, iyagoo sheegay in aysan heynin waddo kale oo u furan oon ka aheyn in ay isdifaacaan.
Daafeet.Com
Kuunyo barrow dad geesi aya Dagan oo diinta yaqaan al shabaab nah faragalinta haka dedydo
Comments are closed.