Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo casho sharaf u sameeyey Gudomiyaha Barlamanka Dalka Jabuuti

0
38

Madaxweynaha Jamhuriyada Federaalka Soomaalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casho sharaf u sameeyay guddoomiyaha Baarlamanka Jamhuuriyada Jabuuti iyo wafdiga uu hogaaminayo oo booqasho ku jooga Muqdisho.

Munaasabadaasi ayaa waxaa ka hadlay R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa halkaasi ka jeediyay hadalo u badnaa soo dhaweyn iyo mahadcelin isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ku socoto wadadii horumarka mar dhowna ay cagaheeda isku taagidoonto.

Gudoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’ oo hadlay ayaa sheegay in gudoomiyaha Baarlamanka Jabuuti ay isla gaareen heshiis is afgarad ah .

Gudoomiyaha Barlamanka Jabuuti Idiris Arna’ud ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee Muqdisho loogu dhaweeyay, isagoo muujiyay sida uu ula dhacsan yahay in laga baxo KMG-ki.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dalka Jabuuti uu yahay walaal dhab ah, isago xusay in labada shacabna ay isku mid yihiin balse duruufuhu ay sidan ka dhigeen, wuxuuna soo hadalqaaday dadaalkii dheeraa ee dowlada Jabuuti u soo gashay sidii ay xal ugu heli laheyd dhibaatadii dalkeena soo martay.

Daafeet.Com