Ciidamo katirsan kuwa dowlada Federalka Soomaaliya ayaa howlgallo balaaran ka wada degmada Waabari halkaas oo qaraxa xooggan uu shalay galab ka dhacay.
Qaraxaas ayaa waxaa uu ahaa mid ismiidaamin ah oo gaystay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Gudoomiyaha maamulka dowlada ee degmada Waabari Axmed Meyre Makaraan ‘Axmed Faal” ayaa sheegay in howlgalkan uu yahay mid lagu xaqiijinayo amaanka.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhowr qof ay xabsiga dhigen ciidamada dowlada ee howlgalka ka sameeyay degmada Waabari.
Ma jirto cid sheegatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama, waxaana qaraxaas uu dhimasho iyo dhaawac ukeenay dad rayid ah.
Daafeet.Com