Labo nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaal maanta ka dhacay deegaanka Birtadheer oo oo u dhow degmada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo.
Afhayeenka maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Gedo Maxamed Xuseen Isxaaq ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay dhimashada labada maleeshiyo, isagoo tilmaamay in ay ka hor tageen weerar ay Al-Shabaab doonaysay inay ku qaaddo wafdi uu hoggaaminayay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdixakiim Fiqi oo maanta Garbahaarrey gaaray.
Afhayeenka ayaa sheegay in dhankooda aanu wax khasaare ah ka soo gaarin dagaalka, isagoo xusay in deegaanka Birtadheer uu muddo kooban dagaal ku dhexmaray ciidankooda oo gacan ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.
Daafeet.com