Dowlada dalka Kenya ayaa si adag kaga hadlay joogitaankooda Soomaaliya iyagoo sheegay in magaalooyinka ay haatan ku sugan yihiin ay kusii sugnaan doonaan kuwa kalana ay gaari doonaan
Sargaal katirsan Militeriga Kenya oo qeyb ka ah Ciidamada Amisom ayaa waxaa uu sheegay in ay sii joogi doona gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Kismayo ilaa xal loo helayo arintan hogaanka Islamarkaana amaanka dalka Soomaaliya xasilooni lagu soo dabaalayo.
Afhayeenka militiriag dalka Kenya Col Cyrus Oguna ayaa sheegay in ay militiriga Kenya ay kirismis kale ku sii qaadan doonaan gudaha Soomaaliya iyaga oo sii wadi doona dadaal uu sheegay in ay nabada ugu soo dabaalayaan dalka Soomaaliya oo ay la dageen dagaalo.
Sidoo kale Militiriga dalka Kenya ayaa howlgal militiri ka wadan gobollada Jubbooyinka tan iyo bishii October ee sanadii aanu so dhaafnay iyagoo la dagaalamay Al-Shabaab.
Daafeet.Com