Nin somali ah oo nin shaqaale u ahaa ku diley dalka Zambiya ka dib kolkii ey ku murmeen Lacag

0
55

05Rabshado ka dhan ah Soomaalida ku nool Zambia ayaa ka dhacay magaalada Ndola ee waqooyiga dalkaasi, kaddib markii muwaadin Soomaali ah uu rasaas ku dilay nin shaqaale u ahaa oo ay mushaarkiisa ku murmeen.

Dadka deggan Ndola ayaa isugu soo baxay waddooyinka, waxayna waxyeello iyo bililiqo u gaysteen hantida ganacsatada Soomaalida iyo guryaha ay deggan yihiin.

Rabshadaha ayaa shalay ka billowday xaafadda Northrise, inkastoo dhibaatada ugu badan la soo sheegayo inay ka dhacday Masala iyo Ndeke oo ku yaalla Ndola, halkaas oo ay Soomaalida aad ugu badan yihiin.

Nin magaciisa lagu soo koobay Cumar oo Soomaali ah ayaa dilay Holland Kabaso oo gurigiisa ka shaqaynayay, kaddib markii ay ku murmeen mushaarkiisa muddo laba bilood ah oo lagu qiyaasay $75 doollarka Maraykanka ah.

 

Daafeet.Com