Ciidamada dhowaan tababarka loogu soo xiray magaalada Baydhabo ayaa xaqiijiyey ammaanka degmada Ufuroow ee gobolka Baay kadib markii ay ciidammadu shalay halkaasi kala wareegeen Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab
Howlgalkan ay ciidamada dowladu kula wareegeen degmada Ufurow ee gobolka Baay ayaa ka danbeeyay kadib markii ay maleeshiyada Al-shabaab isaga huleelen markii ay kawa rheleen in ciidamada dowladu ay ka soo dhaqaaqeen degmada Qansaxdheere ee isla gobolkaasi oo ay maalmahan Dhaqdhaqaaqyo xoogan ka wadeen.
Gudoomiyaha gobolka Baay ayaa sheegay in qabsashada degmada Ufurow uusan wax dhiig ah ku daadan islamarkaana ay kooxdii ku sugneyd isaga bexeen Markii ay dhabarka uridan waayen awooda ciidamada dowlada ee ku wajahneyd degmada.
Ciidamadan oo ahaa kuwa laga soo uruuriyay magaalada Baydhabo islamarkaana dhameystay tababar mudo u soconayay ayaa qeyb weyn ka qaadanaya Nabdeynta gobolka iyo sidii gacanta dowladda dib loogu soo gelin lahaa degmooyinka weli gacanta ugu jira Al-shabaab.
Daafeet.Com