Wafdi uu horkacayo wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa gaaray magaalada Garbahaarey.
Wasiirrka gaashaandhiga iyo wafdiga uu horkacayo ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobollka Gado iyo saraakiil ka tirsan ciidamad dowladda.
Ujeedada wafdiga uu hogaaminayo wasiirrka gaashaandhiga ayaa u tagay halkaa sidii loo dardargalin lahaa howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gobollka Gobolka, iyo waliba sidii loogu kuur-gali lahaa xaalada nabad-galyo degmooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.
Wasiirrka gaashaandhiga ayaa maalmihii ugu danbeeyay booqanayay deegaannada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda, isaga oo dhawaan booqday magaalada Jowhar ee gobollka Shabeellaha dhexe.
Daafeet.com