Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa Itoobiya oo maalin ka hor la wareegay degmada Ufurow ee gobollka ayaa wararka soo baxaya waxaa ay sheegayaan in ciidamada fariisin rasmi ah ka dhigteen ama ka sameysteen degmada.
Ciidamada ayaa hadda wada dhaq dhaqaaqyo ciidan, waxaana wararku sheegayaan in u jiheysteen dhinaca degmada Diinsoor oo dadka ku sugan sheegayaan in gabi ahaanba isaga baxeen xoogagga Al-shabaab.
Waxaa ay sheegeen dadka degmada Diinsoor in guud ahaaba degmada cidlo tahay, saacadihii aynu soo dhaafnayna isaga baxeen dagaalyahannada kooxda Al-shabaab ee gacanta ku hayay.
Saraakiisha dowladda ee maamulka gobolka Bay ayaa dhinacooda u xaqiijiyay warbaahinta in ay hayaan xogta ah in degmada Diinsoor isaga tageen xoogagga Al-shabaab, iyaga oo intaa ku darray in saacadaha soo socda gaari doonaan halkaa ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinac horjoogayaasha kooxda Al-shabaab oo la xiriira wararka sheegaya in ay isaga tageen degmada Diinsoor ee gobollka Bay.
Guddoomiyaha gobolka C/fitaax Geesey ayaa horay u sheegay in dhamaan gobollka Bay laga saari doono xoogagga Al-shabaab.
Daafeet.com