Maamulka Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay ayaa shaaca ka qaaday inay ku dadaalayaan xaqiijinta ammaanka Baydhabo iyo deegaanada kale.
Xasan Maxamed Macalin Biikoole oo ah Guddoomiyaha Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ammaanka Magaalada uu yahay mid wanaagsan islamarkaana wax waliba oo dhibaato ah ay ka hortagayaan.
Biikoole ayaa sheegay in hadii Shabaab inta badan Gobalada dalka Soomaaliya laga qabsaday aysan waxba u arkin sida uu sheegay falalka yar yar ee dhanka ammaanka oo dhacaya.
Wuxuu sheegay in aduunka uu ka dhaco falal lidi ku ah ammaanka isaga oo tusaalo usoo qaatay dhacdo shalay ka dhacday dalka Mareykanka oo uu sheegay inay taasi mid lamid ah caalamka ka dhacdo.
Xaqiijinta ammaanka ayuu sheegay inay tahay wax muhiim ah maamulka Magaalada Baydhabo iyo ciidanka Dowladda Soomaaliyana ay si aad ah isaga kaashanayaan arintaasi.
Inkastoo maalmahan dambe ammaanka Magaalada Baydhabo uu yahay mid wanaagsan ayaa hadana mar marka qaarkood waxaa dhaca falal badan oo ammaanka lidi ku ah.
Daafeet.com