Ra’iisal wasaarihi hore ee xukuumadii ku-meel-gaarka aheyd ee dalka Soomaaliya, laakiin hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa sheegay in marnaba la aqbali karin go’aanka dowladda Kenya ay ka qaadatay qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalkeed.
Waxaa uu sheegay xildhibaan C/wali Gaas in dadka Soomaalida ah ee ku nool magaalada Nairobi marnaba danbi galin, madaama ay yihiin dad qaxooti oo u magan-galyo u soo doodtay dalka Kenya.
‘’Go’aanka dowladda Kenya waan la ixtiraamayaa, laakiin waa in dowladda Kenya wax ka badashaa siyaasadeed ku aadan qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalkeeda, ma fahmi karo sababta ay dowladda Kenya u qaadatay go’aankaas, waayo waxaa la og-yahay maanta xaalada nabad-galyo ee dalka Soomaaliya oo aan u diyaarsaneyn in dib loogu celiyo qaxootiga Soomaalida ah ee jooga Kenya,’’ ayuu yiri,’’ C/wali Gaas,
Waxaa uu sheegay C/wali Gaas in wali Soomaaliya ay ka taagan yihiin xaaladihii ay markii horeba ka soo carareen dadka ku dhaqan magaalada Nairobi iyo guud ahaan qeybaha dalka Kenya.
Hadalka ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan ra’iisal wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga oo sheegay in dib dalkoodii loogu celinayo Soomaalida ku dhaqan Kenya.
Daafeet.com