Ciidamada Boliska dalka Kenya ayaa maanta buuxiyay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi halkaasoo ay baaritaanno kawadaan, iyadoo la sheegay in ka badan 30-qof lagu qabqbatay baaritaannadaas.
Xaafadda Islii oo ay Soomaalidu degto ayaa jawigeedu si weyn uga bedelan yahay sidii uu ahaa jiray, iyadoo ay xiran yihiin goobaha ganacsiga, sidoo kalena aan jirin isku socodkii gaadiidka ee horay uga jiri jiray.
Baaritaannada ay ciidamadu sameynayaan ayay ku raadinayaan dadka aan haysan sharciga, kuwaasoo aan la ogeyn go’aanka ay dowladdu ka qaadanayso iyadoo la xusuusto in dhawaan waaxda arrimaha qoxootiga Kenya ay ugu baaqday dadka aan sharciyada haysan iyo qoxootiga inay dib ugu laabtaan xeryaha Dhadahaab iyo Kaakumo.
Dhanka kale, waxaa soo kordhaya khasaarihii ka dhashay qaraxyadii xalay dhacay xaafadda Islii, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in saddex qof ay ku dhinteen in ka badan toban qof oo kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen.
Daafeet.Com