Warar aynu dhawaan ka helney magaalada Garoowe ee Casimada Puntland ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay xabsiga dhigeen nin u dhaq dhaqaaqa daryeelka bulshada rayid ah.
Ciidamada Puntland gaar ahaan kuwa madaxtooyada ayaa xabsiga dhigay Cabdi Kaafi Xasan oo Gudoomiye ka ah Hay’ad qaabilsan dhinaca daryeelka Bulshada oo ka howlgasha deegaanada Puntland.
Xariga Sargaalkan ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana qaar kamid ah Wararkaas ay sheegayaan in inuu kamid yahay dadka kasoo horjeeda siyaasada madaxweynaha Puntland Dr Faroole uu ku doonayo inuu ku darsado jagadiisa labo sano oo kale.
Waxaa jira warar sheegaya in ciidamo uu hogaaminayo Taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal ay xabsiga dhigeen Cabdi Kaafi.
Si kastaba arintu ha ahateen siyaasada faroole ayaa wexey noqoneysaa ka hor imaneysa siyaasadii dimoqratiga eheyd ee uu faroole xilka kula wareegey asagoo qof walboo ka hor yimada siyaasadiisa ku amraya in la xero ama ey ku amraan in gobolka uu ka boxo.
Daafeet.Com