Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cabdi Xakin xaaji Max’uud Fiqioo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu ka hadlay Dhibaatada Mararka qaar Ciidamada dowladda ay ugeestaan dadka Rayidka ah.
Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in tallaabo Sharciga waafaqsan laga qaadi doono Askarigii dhibaato ugeesta dadka Rayidka ah Isagoona Tibaaxay in mararka qaar dad ku labisan Dharka dowladda ay ku kacaan falal anshaxa ka baxsan isagoona arintaasi uga digay Ciidamada dowladda.
Cabdi Xakiin Xaaji Max’ud Fiqi Wasiirka Difaaca ee dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu tilmaamay in meel walba oo ay la wareegaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika la geyn doono Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida si tallaabo Cad looga qaado Askarigii ku kaca falal dhibaato ku ah Shacabka.
Hadalka Wasiirka Difaaca ee dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli mararka qaar dhibaato ay ugeestaan dadka Shacabka ah rag ku labisan dareeska Ciidamada dowladda Soomaaliya
Daafeet.Com