Dowladda Soomaaliya ayaa billowday mushaar-siinta ciidankeeda ka howlgala qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo kaddib muddo dheer oo ay mushaar la’aan ahaayeen.
Saraakiil ka tirsan dowladda oo dhowaan ka tagay magaalada Muqdisho oo mushaar-bixin ka sameeyay magaalada Garbahaarrey ayaa saaka gaaray degmada Doolow ee isla gobolkaasi si ay mushaar u siiyaan ciidamo badan oo halkaasi ku sugan.
Askarta ayaa markii ugu horreysay muddo ka badan hal sano waxaa midkiiba la siinayaa lacag dhan 100 USD.
Qaar ka mid ah askarta mushaarka la siiyay ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin lacagta muddada ay sugayeen ee la siiyay.
Daafeet.Com