Ciidamada Dowlada oo sheegey iney sugeen amaanka wadada isku xirta Afgooye iyo Marka

0
105

cidamoSaraakiisha ciidamada dowladda Soomaalya ayaa sheegay in ay sugeen ammaanka wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Afgooye iyo Marko oo marar badan ay xoogagga Al-shabaab ka geeysteen weerrro dhabbagal ah.

Taliyaha gaaska labaad ee ciidamada xoogga dalka Jen. C/laahi Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay adkeeyeen ammaanka wadada isku xirta labadaasi magaalo oo uu xusay in Al-shabaab ay marar badan ka geeysteen weerarro.

Masuulkani ayaa sheegay in ay ciidamo fara badan dhigeen dhowr goobood oo muhiim ah oo ku yaal wadadaasi, wuxuuna xusay in ay markani adag tahay in Al-shabaab ay weerar ka fuliyeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay sameeyeen ciidamo guur-guura, kuwaasoo ka hortagi doona weerarrada dhabagalka ah ee ay xoogagga Al-shabaab ka fulin jireen wadada isku xirta Afgooye iyo Marka, wuxuuna intaa ku daray in ammaanka wadadaasi uu imika yahay mid la isku haleyn karo.

 

Daafeet.Com