Laba askar oo dad rayid ah u geysanayey dhac oo lagu toogtey Magalada Muqdisho

0
85

dilAskar katirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa toogasho lagu dilay gudaha Magaalada Muqdisho xili ay dhac iyo boob u gaysanayeen dad rayid ah.

Rag hubaysan ayaa si gaadmo ah ku toogtay labo kamid ah ciidamada dowlada Soomaaliya oo waayadan dhac ka gaysanayay degmada Dharkeenley.

Dad ku sugnaa goobta uu ka dhacay dilka ayaa sheegey in Ragaan labada ah oo hubaysan ay dad ku dhacayeen sedexdii habeen ee lasoo dhaafay meel aan ka dheereyn saldhiga galbeed ee degmada Dharkeenley.

Ciidamo katirsan kuwa dowlada ayaa ku baxay halkii falkaas dilka ah uu ka dhacay iyadoo ay sameeyeen howlgalo aan faa’ido laga soo hoyn.

 

Daafeet.Com