Maddaxda Raaskambooni oo lagu arkayey Magalada Adis Ababa

0
51

axmed madobeWarar laysku halayn karo oo aan kasoo xiganay ilo kala gedisan oo ku kala sugan magaalooyinka Adis-ababa,Muqdisho iyo Kismaayo ayaa ku waramaya in Hogaamiyaha Jabhada Raaskambooni Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)iyo Talyihii hore ee nabad sugida Soomaaliya Gen Darwiish ay kusugan yihiin caasimada dalka Itoobiya magaalada Adis-Ababa iyagoo la sheegayo inay u tageen Adis-Ababa wadahadalo ku saabsan arimaha Jubooyinka iyo maamul loo sameeyo goboladaas.

Inkasta oo ilaa iyo maanta ayan jirin cid ka tirsan madaxda Itoobiya oo wafdigan qaabishay ayaa waxaa hadana lasoo warinayaa in wadahadal dhex mara kooxdan iyo dowlada Itoobiya uu ka odayaynaayo Madaxweynaha kilinka Shanaad ee Itoobiya Cabdi ILEY.

Wadahadaladan ayaa waxay ku soo beegmayaan xili dowladaha Itoobiya iyo Kenya ay sheegeen inay isku aragti ka yihiin arimaha murugsan ee Jubooyinka

HALKAAS KA DHEGEYSO AYADOO COD EH

RAASKAMBOONI