Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay dileen rag dadka ku dhibaateyn jiray wadada isku xirta Magaalada Marka iyo sidoo kale Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.
Guddoomiyaha Shabaab ugu magacaabay Gobalka Shabeelaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdala oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in rag ka tirsan Shabaab howlgal ay ka fuliyeen wadada udhaxeysa Num-60 iyo Num-50 ay ku dileen rag dadka dhici jiray.
Wuxuu sheegay in labo kamid ah ragaasi ay ku dileen halka loo yaqaan Buushka halkaasi oo sida uu sheegay dadka iyo gaadiidka ay ku dhibaateyn jireen ayna ula dagaalameen sidii cadoowga oo kale sida uu sheegay.
Dhanka kale Sheekh Maxamed Abuu Cabdala ayaa sheegay in deegaanka laanta buuro ay ku weerareen kooxo burcad ah mid ay ku dileen halkaasi halka dhowr kalena ay ka carareen.
Daafeet.Com