Dowladda Kenya ayaa amar ku siisay qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool magaalooyinka Kenya inay dib ugu laabtaan xeryaha qoxootiga, gaar ahaan xeryaha adduunka ugu weyn ee Dhadhaab.
Waaxda arrimaha qoxootiga ee dalka Kenya, ayaa sheegtay in amarkan uu qayb ka yahay xoojinta ammaanka gudaha Kenya, kaddib qaraxyo ka dhacayay bilihii ugu dambeeyay magaalooyinka Mombassa iyo Nairobi, gaar ahaan xaafadda ay dagto Soomaalida ee Islii.
Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in tiro ka badan 30,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah ay ku nool yihiin magaalada Nairobi, halkaasoo ay ka dhacaan qaxyarada ugu badan oo hay’adha ammaanka Kenya ay ku eedeeyaan inay mas’uul ka tahay Al-shabaab.
Daafeet.Com