Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si rasmi ah u sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay isbedel ku sameyn doono maamullada gobollada iyo kuwa degmooyinka ee aysan ku qanacsanayn shacabka ay maamulaan.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho maalmaha soo socda laga dareemi doono ammaan dheeraad ah, isagoo intaas ku daray in dowladdu aysan ogolaan doonin in hubku uu gacanta shacbka kusii jiro.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradiisu ay xoogga saari doonto sidii ay shacabka ku nool degmooyinka iyo gobollada dalka iyagu u soo xulan lahaayeen mas’uuliyiinta maamulaya, dowladduna ay gacan ku siin doonto sidii maamulladaas ay howshooda u wadan lahaayeen.
Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya aydoo ay soo badanayaan cabashooyink kasoo baxaya dadka ku nool gobollada iyo degmooyinka dalka ee ay gacanta ku hayso dowladda, kuwaasoo ay ka cabanayaan maamullada deegaannadooda.
Daafeet.Com