Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Nairobi booqasho rasmi ah ku yimid ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka Kenya, Mwai Kibaki.
Kulanka labada madaxweyne oo ka dhacay aqalka madaxtooyada Kenya ayay kaga wada hadleen xiriirka labada dal, howlgalka AMISOM iyo arrimo kale .
Waxay kulankooda ka soo saareen is-afgarad kow iyo toban qodob ka kooban kaas oo ay ku jireen xoojinta xiriirka labada dal, dib u soo celinta guddigii wada-jirka ahaa ee iskaashiga oo Kenya iyo Soomaaliya ay samaysteen sanadkii 2005 iyo in la iska kaashado ammaanka.
Qodobbada laga soo saaray kulanka labada madaxweyne oo uu saxaafadda u aqriyay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Sam Ongeri ayaa waxaa Qaramada Midoobay looga codsaday inay kordhiso waqtiga howgalka AMISOM oo ku eg bisha March ee sanadka soo socda.
Daafeet.Com