Maddaxdweynaha Dowlada Federalka oo booqasho ku tegey Dalka Kenya

0
50

xasanMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal-ka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay dhiggiisa dalka Kenya Mwai Kibabi, waxaana la filayaa in labada mas’uul ay kulan ku yeeshaan aqalka madaxtooyada Kenya.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga wada-hadli doonaa xiriirka labada dal, ammaanka iyo qorshaha IGAD ee ku wajahan xasilinta Soomaaliya.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa la filayaa inay ka wada-hadlaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada al-Shabaab ee xiriirka la leh ururka al-Qaacidda, iyadoo la rajaynayo in heshiis is afgarad ah ay ka yeeshaan qorshaha IGAD ee Soomaaliya oo in muddo ah uu muran ka taagnaa.

Waa markii ugu horreysay oo uu madaxweynaha Soomaaliya booqasho ku yimaado dalka Kenya tan iyo markii xilka loo doortay bishii September ee sanakan.

Daafeet.Com