WAR MURTIYEED KA SOO BAXAY XAFIISKA MADAXWEYNA ASAL-LAND STATE

0
44

CALI-BAABGuud ahaan marka aad u fiirsato Qowmiyada Digil & Mirifle markiiba waxaa kuu muuqanaaya in ay Dulman yihiin oo ay yihiin Dulmi diidayaal, islama markana cadlad raadis ah, Laakin marka aad si hoose ah ugu kuur gasho durbadiiba waxaad arkeysaa in ey gudahooda dulmi isku hayaan, Waxaan muran iyo shaki aan la galin karin dhamaan Beelaha Digil iyo Mirifle in aay dhibaato ba’an ku haayaan Beelaha la degan ee Asalka ah(Indigenous-ka) ah, oo ay Afka ka sheegaan in aay walaalo yihiin, Balse ereyadaasi eysan eheen kuwa xaqiiqa iyo run ah oo Kal iyo laab ah balse ereyadaasi ma dhaafsiisna Bushimaha, Iyagoo aay isku wada Qaaraan yihiin xiliga Colaadaha & dhibaatooyinka

Waqtiyada Dheef wada qeybsi imaadana ay Xaqiraad iyo Ihaano ay ku sameeyaan eysan u ogoleyn in ay si siman oo Cadaalad ah wax kuwada qeybsadaan iyadoo aan dadyowgaasi tayo aqooneed iyo mid Dadnimaba laga fiicneyn.

Hadii aad eegto beelaha Digil iyo Mirifle badankooda Golayaasha waaweyn sida kan Shacabka iyo kan wasiirada waxaa hor boodaya kuwo akhlaaqiyan,caqliyan iyo cilmiyan aad u liita iyadoo ay joogaan kuwa intaasba buuxin kara oo ka heer sareeya kuwa aan kor kusoo sheegney kuna nool dalka gudihisa iyo dibadiisa, Balse nasiib daro Dulmi iyo Xaqiraad aan micno badan sameyneeynin ayaa loogu hor taagan yahay.

Runtii waxaa haboon in qof waliba lagu qadariyo oo lagu qeymeeyo kartidiisa iyo tayada aqoontiisa(Allah s.w.t.) naftiisana ka xarimay Dulmiga, Sidee anagoo bini’aadan ah u sameyn karnaa Dulmi welibana la isaga raali noqon karaa? Sida haatanba dhaceeysa sida aan ognahay Dulmi aan geed loogu soo gaban lagu haayo prof.Jamaal Maxamed Baarow.

Ugu danbeeyntii waxaan ugu baaqayaa guud ahaan Beelaha Qowmiyada Digil&Mirifle in aay dhaxdooda ka dhaafaan oo aay ka waantoobaan falsafada khurunka ah (0.5) ka oo ay dhexdooda isku haayaan si aay cadawgooda ugu guuleeystaan.

Hadii la dhaafi waayo,waxey dhali doontaa cawaaqib xumo aad u weyn,iyadoo aan shaki iiga jirin waxey wax weyn u dhimeeysaa midnimada-jilicsan (fragile-ka)ah ee Qowmiyada Digil iyo Mirifle in aay bur-buri doonto

Madaxweynaha Asal-Land State Koofurta Soomaaliya

Lecturer,Cali Cabdi.A.Baab (Voice of the Voice less)

Note:- Qoraalkan Masuul Kama Aha wesidka Daafeet.Com Wixii comments kasoo baxana masuul kama noqon doono websidka daafeet.com