Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afkooda ayaa sheegay inay rajo weyn ka qabaan inay dib u qabsadaan deegaannadii laga qabsaday, isagoo si gaar ah carrabka ugu dhuftay Muqdisho, Baladweyne iyo Kismaayo.
Sidoo kale, afhayeenka Al-shabaab wuxuu sheegay in haddii aan lagula dagaalamin ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya deegaannada ay hadda ku sugan yihiin ay la mid noqon doonaan deegaannada ay xoogga ku haystaan ee NDF iyo dhulka Somali Galbeed.
Sheekh Cali Dheere oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay iyagana doonayaan in deegaannada ay gacanta ku hayaan ay ka mid dhigaan sida deegaannada Soomaali Galbeed ku yaalla, kuwaasoo hadda qaarkeen ay u aqoonsan yihiin inay Itoobiya ka mid yihiin.
Hadalka Afhayeenka Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya ee caawinaya ciidamada dowladda Soomaaliya ay dhawaan kala wareegeen Al-shabaab deegaanno ay ka talinaysay.
Daafeet.Com