Amnesty International oo ka hor time go,aankii dowlada Kenya ey ka gaartey qaxotiga

0
84

amnestyHay’adda caalamiga ah ee Amnesty ayaa sharci-darro ku tilmaantay go’aanka ay dowladda Kenya ee ku celineyso dadka qaxootiga ah ee dalkeeda ku sugan, kuwaas oo ay ku jirto Soomaalida.

Hay’adda ayaa sheegtay in ay khalad tahay in dadka qaxootiga ah lagu eedeeyo in ay ka dambeeyaan weerarradii marar badan ka dhacay Kenya.

Dowladda Kenya ayaa ku amartay dhowaan qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool magaalooyinka inay dib tagaan xeryaha qaxootiga Dhadhaab, halka kuwa dalalka kale lagu amray in ay ku laabtaan xeryaha qaxootiga Kakuma.

Kenya ayaa la sheegay inay tallaabadaas uga jawaabeyso qaraxyo ka dhacay magaalooyin ay ku jirto caasimadda Nairobi.

 

Daafeet.com